Ragii ka dambeeyay Dilkii Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa si xornimo ah u jooga Magaalada Muqdisho iyadoo Hay adadaha Aminaga ay ka gaabiyeen in ay cadaalada horkeenaan.
Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa 2-da bishan lagu dilay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.
Saciid Cumar Xasan ayaa waxaa waxaa dilay koox ka kooban 3 rag ah u adeegsatay Mindi (Toorey).
Goobjoogeyaal ayaa xaqiijiyay in marxuumka oo ku hubeysnaa bastoolad uu sameeyay iska caabin, uuna dilay mid kamida raga kusoo duulay, halka laba ka mid ah eedaysanayaasha oo magacyadooda ay goobjoogayaashu ku sheegeen Cumar Maxamed Sheekh (Ceengooni) iyo
Cabdulqaadir Maxamed Xassan (Daadir Maskiinoow)
ay si xornimo ah ay u joogaan Magaalada Muqdisho iyadoo ay Hay adaha Amina ay ka gaabiyeen in ay cadaalada horkeenaan.
Waxaa Magaalada Muqdisho dhowaanahaan wax caadi ah ka noqotay in aan lala xisaabtamin raga geysta dilalka qorshaysan taasoo sababtay in ay Magaalada kusoo bataan dilalka qorshaysan.