Post View....

Dibad Baxyo Rabshado Wata Oo Muqdisho Ka Dhacay

0
184

Banaan bax rabshado wata oo ay dhigeen darawalada Mooto bajaajta ku shaqeysa iyo dad kale oo shacab ah ayaa ka kadhacay Isgooska Howl Wadaag ee magaalada Muqdisho.

Banaan baxa ayaa ah mid looga soo horjeeday dil uu Isgooska Howlwadaag ugu geestay askari katirsan ciidanka booliiska labo qof oo shacab ah oo mid kamid ahi ahaa darawal mooto Bajaaj.

Dadka banaan baxa dhigayay ayaa xiray qeybo kamid ah laamiga, waxa ay sidoo kale gubeen taayaro iyagoona ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah ciidanka dowlada oo kordhiyay dilalka dhalinyarada mooto bajaajta ku shaqeeysata.

Askariga dilka u geestay labada ruux ee shacabka ahaa ayaa la sheegay in goobta si nabad galyo ah uga baxsaday, waxaana xusid mudan in goobta dilku ka dhacay sidoo kale ay joogeen ciidamo kale oo boolis ah oo qaban karay gacan ku dhiiglaha.

About Author